Soomaaliya Iyo UNHCR Oo Ka Wadahadlay Go’doonka Soomaali Ku Sugan Liibiya
October 4, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.
Boqollaal Soomaali ah ayaa go’doon ku ah dalalka aan xasillooneyn ee Yemen iyo Liibiya, halka tiro kale oo muddo ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee Kenya ay doonayaan inay dalkooda dib uga laabtaan.