Al-Shabaab Oo Dalka Mozambique Ku Xasuuqday Dad Kor U Dhaafaya 90 Ruux Oo Shacab U badan+Tirada Ay Dhaawaceen
October 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida ay baahiyern Wargeysyada kasoo baxa dalka Mozambique maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ay ka geysteen Mozambique ku dilay 90 ruux tan iyo markii ay bilaabeen weerarada.
Weerarada oo ahaa kuwo gaadma ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 70 kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Mozambique.
Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi uu yahay 90 qof, halka dhaawaca uu gaadhay 70 kale.
Waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka ku maqan Alshabaab ay suuragal tahay inay kasii badan yihiin tirada lasoo sheegay.