Qaramada Midoobey oo War Ka Soo Saartay Dilka Shaqaalahooda Soomaaliya
October 6, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qoraal kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmaan shaqaalaha gargaarka ee ka jooga Somaliya.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay la kulmaan weerarro kala duwan oo qaarkood lagu waxyeeleeyo xili ay ku guda jiraan shaqooyinkooda.
Waxa ay Qaramada Midoobey sheegtay in weeraro dhacay lagu dilay 8 qof halka lagu dhaawacay 12 kale intii u dhaxaysay January iyo September ee Sanadkan.