Xasan Sheekh Maxamud Oo Dawladda Farmaajo Ugu Baaqay In La Joojiyo Waxyaabaha Kala Fogaynaya Somaliland Iyo Soomaaliya
October 6, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dawladooduba ay ka garaabaan dhibaatadii shacabka Somaliland ka soo gaadhay dawladii Soomaaliya, waxaanu si da’dban ugu eedeeyay dawladda wakhtigan ee Farmaajo inay sii kala fogaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ku faanay inuu iska ilaalin jiray in la kala fogaado.