Maamule Ban Oo Xukun Ku Mutaystay Dad Sabool Ah Oo Caawimmo U Fidiyey
October 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gilberto Baschiera, oo ah maamule bank magaalo yar oo ku taalla dalka Taliyaaniga, ayaa waxa uu hal-milyan oo euro ka xaday acconnada dadka taarjiriinta ah, si uu ugu taageero dad faqiir ah oo u baahan.
Acconnadan, ayuu lacago kala baxayay muddo muddo 7 sanno ah, isagoo lacagtaa u xawilayay acconnada dadka faqiirka ah, isagoo ka garab-siinaya si ay u heleen daymo, hal Euro oo qudha, naftiisa uma aanuu reebi jirin.
