Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Dhaqan Galiyay Laba Xeer Oo Cusub
October 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:
Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr.
82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;