Booliiska Sucuudiga Oo Raadinaya Muwaadin Geeliisa Lacag Caddaan Ah Cunto Uga Dhiga
October 8, 2018 - Written by Berbera Today

Riyaad(Berberatoday.com)-Booliiska dalka Sucuudiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey raadinaya nin dalkaas u dhashay oo faafiyey fiidyow uu ka muuqdo isaga oo neef geel ah cunto uga dhigaya lacag caddaan ah. Fiidyowgan gaaban oo si aad ah loogu faafiyey baraha bulshadu ku kulanto ee Internet ka ayaa ayaa muran xooggan iyo doodo ka dhex abuuray dadka boqortooyada Sucuudiga. Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in hay’adaha ammaanka ee dalku ay bilaabeen raadinta ninkan lacagta geela cunsinaya, si ay tallaabada ku habboon uga qaadaan.