Isku-dhac Iyo Rasaasayn Dhexmartay Booliska Lawyo-caddo Iyo Gaadiidleyda Tawakal Ee Jabuuti Iyo Somaliland Ukala Baxa
October 8, 2018 - Written by Berbera Today
Lawyo-caddol(Berberatoday.com)-Is-rasaasayn dhexmartay Maamulka gobolka Selel iyo Iskashatada Gaadiidka ee isaga goosha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, kuwaas oo ay Maamusho Shirkadda ay ku midoobeen Gaadiidleydu ee Tawakal.
Waxaa mar keliya is-beddelay Jawiga magaalada Lawyo-caddo, ka dib markii ay Is-rasaasayni dhex-martay Gaadiidlayda iyo Booliska degmadaas, waxaana sababay arrintaas khilaaf soo kala dhex-galay Maamulka gobolka iyo degmada oo isku dhinac ah iyo Iskaashatada Gaadiidlayda Tawakal, sida ay Saxaafadda u sheegeen Gaadiidlayda Xubno u hadlay.