“Madaxweyne Waxa Lagaaga Baahan Yahay Sinaan Iyo Cadaalada Inaad Umadda Ugu Adeegto Iyo Inaad Tabashooyinka Xaliso”Siyaasi Cabdi Haybe
October 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey talooyin ku saabsan wax ka qabashada tabashooyinka jira.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay is-marin waaga Xisbiyhada ee Komishanka Doorashooyinka yo khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweyne dalkan cid gaar ah, qabiil gaar ah iyo reer gaar ahi umay soo halgamin,Somaliland cid gaar ah tacab iyo juhdi dheeraad ah umay soo galin, ee waa loo soo wada tabcay, waana loo soo wada halgamay, dalka waa loo siman yahay, dalka waa la wada leeyahay, dad dega wey wada leeyihiin, sharciyana waa isku wada xaq iyo isku wada xuquuq, Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay sinaan iyo cadaalada inaad umadda ugu adeegto, Madaxweyne waxa lagaaga baahan yahay in waajibaadkaaga qarana si daacadnimo ku dheehan tahay inaad u gudatid, Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay in wixii tabashooyin ah ee jira inaad sida ugu haboon uguna dhakhsaha badan u xaliso, laakiin looma baahna in Somaliland cid gaar ahi ay dadka kale ee dalka degan ka sheegtaan, looma baahna in cid gaar ahi ka xuquuq iyo xaq badato dadka kale ee degan dalka, waana cadaalada daro in cid gaar ah wax loo qabto, umadda inta kalena waxba loo qaban waayo si dalka laga leeyahay”.