Proffesor Cabdi Cali ” Sidee Baanu Isku Soo Galnay Madaxweyne Muuse Biixi…. ” + Akhirso Taariikh Xiiso Badan
October 11, 2018 - Written by Berbera Today
Gabayga Doqon-dila
ee uu tiriyay Jamaal Cali Xuseen, wuxu i xasuusiyay sidii aanu isku soo galay m/weynaha; iyadoo xaaladdiisu adag tahay oo ay eryanayaan wasiirkii maaliyadda iyo kii madaxtooyada ayuu maalin maalin maalmaha ka mid ah iga soo wacay telefanka; waa markii u horryasay ee aan telefan ka wada hadallo; maxaa yeelay waxaba fara ku tiris ahaa inta jeer ee aanu fool ka fool u wada hadalay; ku ye waa Muse, dee telefonkaagii ayaa igu noqday xaar mas, wuxu leeyahay lama heli karo ama wuu xidhan yahay; waan kuu baahnaa, ma is arki karnaa; anna haa idhi; ku ye halkaad tidhaa iigu kaalay anigaa kuugu imanaya; anna idhi mayee anigaa kuu imanaya guddoomiye; waayahay ee habeen danbe guriga iigu kaalay; u tegay; si fiican ayuu ii soo dhaweeyay; ku ye waxan rabay in aad ila shaqayso; rajadayduna ma xuma immika oo arrinkii wuu is qor-qorayaa; garoo waa Gudoomiyanimadii laga hortaagnaa; aniguna ka aqbalay in aanan waxba ka la hadhin;