Maalqabeenkii Ugu Da,da Yaraa Dalalka Afrika Oo Tanzania Lagu Afduubay
October 12, 2018 - Written by Berbera Today
Darasalam(Berberatoday.com)-Ciidamada dalka Tansaaniya ayaa cadeeyey in la afduubay Maxamed Dewji oo ah maalqabeenka ugu da’da yar qaaradda Afrika
, waxaana lagu afduubay ganacsadahan caasimadda dalka Tansaaniya ee Darasalaam.
Ninkan oo da’diidu tahay 43 jir ayaa ku sugnaa waqtigii afduubku dhacaayey meel dibadda ka ah goob lagu jimicsado, waxaana afduubay koox wajiyadda soo xidhatay , isaga oo waqtigaasi u socday xafiiskiisa shaqadda.