Dawlad Muwaadiniinteeda U Ogolaatay In Ay Isu Soo Sharraxaan Xilaka Wasiirnimada Iyo Kaalinta Internet Ka
October 13, 2018 - Written by Berbera Today

Baqdaad(Berberatoday.com)-Xafiiska raysalwasaaraha la magacaabay ee dalka Ciraaq Caadil Cabdi Almahdi ayaa ku dhawaaqay in xilalka wasiirnimo ee xukuumaddiisu ay noqon doonaan kuwo la isu soo sharraxo. Xafiiska raysalwasaaraha ayaa daahfuray bog internet ka ah oo muwaadiniinta fursad u siinaya in ay muddo laba maalmood gudaheeda ah ku soo gudbiyaan codsiyadooda murashaxnimada xilalka wasiirnimada.