Guddoomiyaha Shirkada Dp World Oo War Ka Soo Saaray Dhismaha Jidka Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya
October 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha shirkada DP World ayaa Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in ay socoto daraasad farsamo oo lagu hirgalinayo waddada isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale,taasi oo noqon doonta mid xudun u noqota ganacsiga Geeska Afrika oo isku xidhi doona Yurub ilaa Bariga dhexe.
