Boqorka Sucuudiga Oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Madaxweyne Erdogan Kala-Na Hadley Arinta Wariye Jamaal Khashoggi
October 15, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si ay uga wada arrinsadaan baaritaan wada jir ah oo lagu sameeyo arrinta weriye caan ah oo u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xidhiidh wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleysi xidhiidhkaas wanaagsan ee soo jireenka ahi.