Wadamada France Uk Iyo Jarmalka Oo Ku Baaqay In La Dadajiyo Daadi Goobka Loogu Jiro Wariyaha Lagu La’yahay Turkiga Raq Iyo Ruux
October 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wadamada mareykanka Ingariiska Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in si deg deg ah laamaha amniga Sacuudiga iyo Turkiga ay u dhameystiraan baaritaanka ku,aadan maqnaashiyaha saxafiga u dhashay sacuudiga.
War saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirada arimaha dibeda ee dalalkan ayaa waxay tilmaameen in ay doonayaan in la kala cadeeyo maqnaashaha Jamal Khashoggi oo la waayay labadii bishan.
Difaaca saxafiyiinta iyo in la dhowro xoriyada saxaafada iyo nolosha wariyaha ay tahay muhiimada koowaad sida ay wadamadan sheegeen.
Wariye Jamal oo marar badan dhaleeceyn u jeediyay maamulka boqortooyada sacuudiga,ayaa la waayay 2-dii bishan kadib markii uu booqday qunsuliyada magaalada Istanbul.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib war saxafadeed ka soo baxay midowga yurub,kaasi oo loogu baaqay dhinacyada baaritaanada ku lugta leh in si deg deg ah ay u soo cadeeyaan xaalada Jamal.