Daawo Muuqalka”Faysal Cali Waraabe Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Difaaca Wasiirro Ka Mid Ah Xukuumadda
October 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta Fagaare uu Khudbad ka jeediyey wuxuu eedaymo culus Hawada u mariyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa.
Guddoomiyaha UCID oo bilihii u dambeeyay iska dhowrayey inuu Eedaymo u jeediyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa Khudbad uu ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Arday ka qalin-jebiyey Jaamacad ku taalla Hargeysa, ayaa yidhi “Walaalayaal, Dalka Annaga ha inooga baqina ee Muuse uga baqa..”
Laakiin, Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland oo hadalka Faysal Cali Waraabe ka dib Munaasibaddaasi hadallo ka soo jeediyey ayaa Difaacay Xukuumadda isla-markaana eedaymo kulul u jeediyey Guddoomiyaha UCID.