General Cumar Nimcaale Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Maalin Loo Asteeyo Shacabkii La Xasuuqay –
October 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-General Cumar Maxamuud Nimcaale, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu sameeyo maalin u gaar ah oo la xuso xasuuqii ay shacabka Somaliland u gaysatay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

General Cumar, oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu tacsi u diray shacabka iyo dawladda Soomaaliya oo toddobaadkan xusay qaraxii Muqdisho ka dhacay Oktoobar sannadkii hore oo ay dadkii ugu badnaa ku geeriyoodeen, “Anigoo Cumar Nimcaale ah waxaan doonayaa inaan halkan tacsi uga diro Soomaaliya iyo shacabkeedaba dadkaas ku dhintay 14
Oktoobar sannadkii hore qaraxii ka dhacay aad iyo aad ayaanu uga
xumaanay, aniguun maahee dad badan oo reer Somaliland ah ayaa tacsi u
dirayaa, , aadna waanu uga xumaanay dadkaas masaakiinta ah ee halkaas
lagu xasuuqay. Alle waxaan uga baryaynaa kuwii dhintayna inuu u
naxariisto, kuwa dhaawaca ahna Alle caafimaad siiyo.”