berberatoday.com
Midowga Yurub Oo Boqol Milyan Ugu Deeqay Soomaaliya
October 16, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta magaalada Muqdihso ku kala saxeexday heshiis taageero lacageed oo dhan €100 million loogu tala galay miisaaniyadda dowladda in lagu kabo labaada sano iyo badhka soo socda.

Heshiiska oo ay qalinka ku duugeen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka midowga Yurub u gaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga Neven Mimica.

Heshiiska kaddib waxay labada mas’uul ay qabteen war-saxafadeed ayaa waxay sheegeen in lacagtaasi wax lagaga qabanayo dhisitaanka heykalka Dowladeed ee ku dhisan Nidaamka Federaalka.

_103860757_74d52179-9bdf-4456-8d27-473a1934b7ba

Heshiiskan taageerada lacageed ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya xuseyso sanad-guurradi koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara kaasi oo ay ku dhinteen 500 qof.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta, Neven Mimica, ayaa sheegay “Maanta Soomaaliya iney barooraneyso. Midowga Yurub wuxuu xushmad iyo ixtiraamba uu u hayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda. Si dadkii waxyeellada ka soo gaadhay qaraxaasi loo xusuustana waa in aan yeelnaa geesinimo waxaanna go’aansannay inaan Soomaaliya dhaqaale ku caawinno si ay dowladnimadeeda u sii adkaato”

98 Milyan oo lacagtaasi ka mid ah si toos ah waxaa loogu kabayaa miisaaniyadda dowladda dhexe halka 8 milyan ee soo hadhayna kobcinta awoodda hay’adaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada wax looga qabanayo.

Stefano Manservisi, wuxuu sida oo kale uu magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews