berberatoday.com
Madaxweyne Biixi Oo Shaqo La’aanta Dhallinyarada Ku Cabiray 30% Iyo Warbixino Kale Oo 75% Ku Sheegay Camal La’aanta Da’ Yarta
October 18, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatyoday.com)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shaqo la’aanta dhallinyaradu laga yaabo inay tahay 30%, halka ay daraasaado iyo warbixino kale oo caalami ahi baahiyeen in shaqo
la’aanta dhallinyarada tahay 70-75%.


Madaxweyne Biixi oo la hadlay saxaafadii caalamiga ahayd ee ka soo qayb gashay xafladii madaxtooyada Somaliland loogu qabtay balaadhinta dekedda Berbera, wuxuu sheegay in gobalka Geeska Afrika ay ka jiraan
xasarado badan oo badankoodu ka dhashay shaqo la’aanta dhallinyarada, waxaanu rajo wanaagsan ka muujiyay in maalgashiga DP world ama shirkado kale ay wax weyn ka tarayaan shaqo la’aantaas, “Gobalkayaga
Geeska Afrika waxa ka socda xasarado badan, badankooda waxa sabab u ah shaqo la’aanta dhallinyarada. Laga yaabaa in 30% ay dhallinyaradayada yihiin bilaa shaqo,  gobalku muddo dheer muu deganayn,  Sidaas
daradeed maalgashiga DP world amaba shirkado kale dalkay doonaan haka yimaadeene faa’iido ayay u noqonayaan gobalka oo dhan.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sannad ka hor wargeyska The Capital ee Itoobiya ka soo baxa wuxuu u sheegay in shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland marayso 75%, “Shaqo
la’aanta dhallinyaradu waxay maraysaa 75% taas oo aad iyo aad ubadan.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad oo isagu shaqo la’aanta dhallinyarada u sameeyay dhawr sababood oo ay ka mid tahiay xirfad la’aan iyo
maalgashi la’aanta. Daraasad ay samaysay jaamacadda Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in shaqo la’aanta dhallinyarada Somaliland tahay 75%,
“Sida ku cad qorshaha horumarinta qaranka shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay maraysaa 75%.” Ayay tidhi daraasadda Jaamacadda Bristol.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews