Amiir Maxamed Bin Salmaan Waa Kuma Mas’uulka Uu Dusha U Saari Doono Dilka Suxufi Jamaal Khashoggi”Akhriso Xog Dhamaystiran
October 19, 2018 - Written by Berbera Today
USA (Ilays-News):- Wargeyska The New York Times ayaa qoray in dowlada Sacuudiga ay u muuqaneyso in dilka Khashoggi ay dusha u saari doonto inuu ka dambeeyey S/gaas Axmed Al-assiri oo ah la-taliyaha gaarka ah ee dhaxalsugaha Bin Salmaan.

Wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay in dilka Khashoggi uu yahay mid iska cad balse boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso inay ka fiirsato sida ay u wajaheyso shaacinta dilka Jamaal Khashoggi oo dunidu ka gilgilatay.