Masaajid Ku Yaalla Turkiga Oo Jiho Khaldan Loogu Tukanayay 40 Sano
October 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sida ay qoreen warbaahinta maxalliga ah, masaajid ku yaalla dalka Turkiga ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhawaan la wareegay xilkiisa.
Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda.