Xukuumadda Itoobiya Oo Sii Daysay Maxaabiis Tiro Badan
October 20, 2018 - Written by Berbera Today
Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Ethiopia ayaa ooda ka soo qaaday Maxaabiis ay tiradooda guud dhamayd 1200 oo qof kuwaas oo lagu xidhxidhay Magaaladda Addis Ababa, ka dib markii ay halkaasi ka dhigeen rabshado.
Rabshadahan oo ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada u ah dalka Ethiopia ayaa waxa ay salka ku hayeen iska hor imaadyo u dhaxeeyay qoomiyadaha Amxaaradda iyo Oromada, kuwaas oo kala taageersanaa labada urur ee Ginbot 7 iyo OLF.
