Ciidammo Madaxtooyada Puntland Oo Mushahar La’aan Ka Gadooday Iyo Jidadka Madaxtooyada Soo Gala Oo Ay Kala Xidheen
October 21, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya inay gadood sameeyeen Ciidamada Madaxtooyada, kuwaasoo ka cabanaya mushaar la’aan heysata muddo bilo ah.
Ciidammadan ayaa xidhay wadada tagta Madaxtooyada illaa Xarumaha Wasaaradaha, iyagoo diiday in la maro, waxaana dadka reer Garoowe ku soo tooseen ciidamo waddooyinka goostay oo dadka u diidaya in la maro.
