Shirkada Dp World Oo Shaacisay Dekado Cusub Oo Ay Dooneyso Inay Gacanta Ku Dhigto
October 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera, ayaa isha ku haysa inay gacanta ku dhigto maamulka iyo gacan ku haynta dekedaha dalka Ereteriya. Sidaas waxa ku dhawaaqay agaasimaha fulinta ee DP world Suldaan Axmed Bin Suleman.
Suldaan oo u waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa sheegay in Ereteriya u muuqato inay saamayn iyo door muhiim ah yeelanayso, waxaanu sheegay in DP world aanay indhaha ku hayn oo keliya Ereteriya, laakiin ay ku jeeddo gobalka Geeska Afrika. “Waanu tagi doonaa halkaas [Ereteriya] sida cid kasta oo kaleba, haddii lana weydiisto maalgelin.” Ayuu yidhi Suldaan. Laakiin Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane Gebremeskel ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo in dekedaha Casab iyo Musawac ee Ereteriya la dhigi doono suuqa qandaraasyada.