berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweyne Erdoganka Turkiga Oo Ku Dhawaaqay Xiliga Rasmiga Ah Ee Lasoo Bandhigi Doono Natiijada Iyo Codka Dilka Jamaal Khashoggi
October 22, 2018 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa sheegay in maalinta Sallaasada ee fooda nagu soo heysa ay shaacin doonaan faahfaahinta ku saabsan qaababkii kala duwanaa ee loo dilay Jamal Khashoggi.

Jamal Khashoggi ayaa bishan 2-da lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istabbuul.

Erdogan waxa kaloo uu sheegay inuu sharxi doono sababaha 15-ka katirsan Sirdoonka Sacuudiga ku imaaden Istanbuul iyo 18-kii kale ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee lagu xidhay Riyad.

 

 

Xubno Sacuudiyaan ah oo magacyadooda qariyay ayaa Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in qaabka loo dilay Saxafiga uusan aheyn qaabka ay sheegtay dowlada Sacuudiga.

Illo wareedyadaasi waxa ay sheegen in Saxafigaasi lagu dilay ceeji iyo in lagu caburiyay neefta sidaana loo khaarijiyay.

Xubnihii Sirdoonka Sacuudiga ee fuliyay dilka Jamal Khashoggi ayaa qorsheynayay inay daroogo ku duran Suxufiga kadibna ay afduubtan laguna qariyo guri ku yaala magaalada Istanbuul, balse suxufiga oo iska cabin sameeyay isla markaana qeyla dhamiyay ayaa sababtay in la ceejiyo lana caburiyo si uusan u qeylin.

Warbixintu waxa ay sheegtay in mid kamida Sirdoonka Sacuudiga uu dilka kadib xidhtay dharka Suxufiga kana baxay albaabka danbe ee Qunsuliyada si looga dhigo in halkaa uu ka baxay Jamal Khashoggi.

Dhinaca kale, Sanotor Bob Corker oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ahna madaxa guddiga xidhiidhka dibadda ee Golaha Kongariska Mareykanka oo la hadlay Telefeshinka CNN ayaa dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka Saxafiga Jamal Khashoggi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews