Dawlada Shiinaha Oo Xadhiga Ka Jartay Buundada Ugu Dheer Dunida Ee Bad Dul Marta
October 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa si rasmi ah u furay buundada ugu dheer adduunka ee kormarta bad, arrintan ayaa qabsoontay ka dib sagaal sano oo dhisme lagu waday marinkaas.
Marinkan ayuu dhererkiisu yahay 55km wuxuuna isku xidhayaa Hong Kong, Macau iyo dhulwaynaha Shiinaha.
