Madaxweyne Erdoganka Turkiga Oo Iminka War Cusub Ka Soo Saarey Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi
October 23, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”

Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheegashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka.