Trump Oo Shaaciyey Dilka Jamal Khaashuqji Cidii Ka Dambeysay Ay Ciqaab Adag La Kulmi Doonto
October 24, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay jawaabta Sacuudi Carabiya ay ka bixisay dilka wariye Jamal Khaashuqji ay tahay “qarinti abid ugu xumeyd oo lagu qariyo fal dil oo dhacay.”
Wuxuuna intaa ku daray cid walba oo falkaasi foosha xun soo maleegtay kana dambeeysay “cawaaqib xun la kulmi doonto”
Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa wuxuu isna sheegay inuu Mareykanku ciqaabayo ciddii ka dambeysay dilka wariye Jamal ” iney fiisaha dal ku galka kala laabaneyso 21-ka qof ee la shaaciyey ee falkan looga shakiyey.