Maleyshiyaadka Caare Hogaamiyo Oo Weerar Tacshiirad Rasaasa Lays Weydaarsaday Ku Qaaday Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Dararweyne Sanaag
October 25, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Ciidamo uu wato Korneylka falaagada ah Ee Caare ayaa waxaa ay xalay abaaro 3 habeen nimo ay weerar ku soo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deeganka Darar Weyne ee degamada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag .
Ciidamada qaranka Somaliland ayaa iska caabin kala hor tagay ciidamada uu watey Korneyl Caare waxaana ay taasi ay sabab u noqotey in ciidankii ay uu watey Korneyl Caare ay dib ugu noqdaan fadhiisinkoodii ay ka yimadeen ee Qardho sida la sheegay