Salah Jamal Khashoggi Oo Ah Curadkii Uu Dhalay Suxufigii La Dilay Ee Jamaal Khashoggi Oo Maraykanka Ka Dagay Iyo Sababta
October 26, 2018 - Written by Berbera Today
Riyad(Berberatoday.com)-Wiilka u wayn carruur saxafigii la dilay ee Sacuudiga u dhashay Jamal Khashogji ayaa ka dagay dalka Maraykanka isaga oo ka baxay Sacuudiga xubno qoyskiisa ka tirsanna ay weheliyaan.
Saalax Khashoqji ayaan horay awood ugu lahayn in uu ka baxo Sacuudi Carabiya, maadaama oo aabihii uu dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga.
Talaadadii ayaa sawir laga qaaday iyadoo uu u tacsiyaynayo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Jamal Khashqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul saddex toddobaad ka hor.