berberatoday.com
Haayada Shifaad Oo Afduubtay Caafimaadkii Berbera Iyo Mashruucii Dp Bixisay Oo La Lahay Meelu Maray “Akhriso Warbixin
October 27, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Ururkani Lagu magacaabo SHIFAAD ee dhawaan la wareegtay  Maamulkii Cisbataalka Berbera Waxaa iska Leh Wiil uu sodog uyahay Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Siilnayo oo lagu magacaabo Muuse Xasan Yuusuf oo hadda ah Gudoomiyaha Haayada Dhawrista Tayada Somaliland.

Ururkani ayaa waxaa Cisbataalka Berbera Gacanta Ku dhigay Hal maalin ka hor Dhaartii Waxaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib markii lagu khasbay Wasiirkii hore Wasaarada Cafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye inuu ku wareejiyo Ururkani Gacan ku haynta dhamaan adeegayadii cisbataalka Dawladu u qaban jiray bulshada Gobolka Saaxil.

Ka hor wareejinta Cuspitaalka iyo adeegyada caafimaad ee gobolka Saaxil waxaa arintaasi si adag uga soo horjeestay Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin wallow ay ka xoogbateen is huwantii xukuumadii dhacday ee doonaysay inay caafimadka gobolka saaxil iyo adeegyada Caafimaad Ee shirkada Dp World Gacanta loo geliyo Shakhsiyaad gaar ah .

Ururkani faaido doonka ah ayaa markiiba hawlo ka bilaabay cuspitaalka Berbera waxaana ay noqotay talaabadii kowaad inay sameeyaan nidaam lagu ogaanayo wixii khatash soo galay cuspitaalka Iyo wixii kasoo baxay bil kasta (E Comunication System) kaasi oo ah nimaad casri ah oo dhanka xisaabta ah .

Ururkani ayaa magaalada Berbera keenay dhawr xubnood oo ay hayb dhow yihiin wiilkan iska leh ururkani kuwaasi oo guud ahaanba wakhtigani gacan kula jira hawlaha caafimaadka ee kasocda Berbera iyo guud ahaanba Gobolka.

Ujeedada haayadani ku timi Cafimadka Berbera baadhis kadib waxaanu ogaanay inay tahay sidii ay umaamuli lahayd lacagta gaadhaysa 2 Milyan oo Shirkada Dp World ku deeqayso Cafimaadka Berbera taasi uu udhameeyey ururkani Safiirkii Hore ee somaliland ujoogay Dalka imiraadka Carabta Baashe Cawil Morgan oo ay ooriyo walaal yihiin mulkiilaha ururkani sharci darada ku maamulaya haayada Dawlada . Madaxa mashaariicda Shirkad Dp World Cabdale Abaar ayaa sheegay inay bixiyeen qayb kamid ah lacagtaasi ilaa hadan ma jirto talaabo lagu qabtay lacagtani loogu talo galay caafimaadka iyo horumarintiisa . Ururkani shifaad ayaa hore looga soo caydhiyey kadib markii ay xidhay cuspitaalka Degmada Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag sanadkii oo ay maamulaysay sanadkii 2015-2016kii kadib markii ay noqotay haayada faaido doon ah oo qorshaheeda kowaad yahay sidii ay lacag urursi uga samayn lahayd goobaha lagu adeegp dadka jilicsane ee wadanka . Ilaa hada lama oga wax cad oo ay ka qabtay mudo sanad ku dhow cuspitaalka Berbera .

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews