Haayada Shifaad Oo Afduubtay Caafimaadkii Berbera Iyo Mashruucii Dp Bixisay Oo La Lahay Meelu Maray “Akhriso Warbixin
October 27, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ururkani Lagu magacaabo SHIFAAD ee dhawaan la wareegtay Maamulkii Cisbataalka Berbera Waxaa iska Leh Wiil uu sodog uyahay Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Siilnayo oo lagu magacaabo Muuse Xasan Yuusuf oo hadda ah Gudoomiyaha Haayada Dhawrista Tayada Somaliland.
Ururkani ayaa waxaa Cisbataalka Berbera Gacanta Ku dhigay Hal maalin ka hor Dhaartii Waxaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib markii lagu khasbay Wasiirkii hore Wasaarada Cafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye inuu ku wareejiyo Ururkani Gacan ku haynta dhamaan adeegayadii cisbataalka Dawladu u qaban jiray bulshada Gobolka Saaxil.