Sucuudiga Oo Shaaciyey Goobta Lagu Maxkamadeyn Doono Dadka Lagu Tuhunsan Yahay Dilka Jamaal Kaashogji
October 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga wuxuu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Kaashogji lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Sucuudiga.

Caadil Al Jubeyr oo ka hadlayay shir ka socday dalka Baxreyn wuxuu ku eedeeyay warbaahinta reer galbeedka inay bunbuuniyeen markii ay tebinayeen dhacdada.