Ra’iisal Wasaaraha ItoobiyaAbiy Ahmed Oo Gaadhay Dalka Faransiiska Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
October 29, 2018 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa gaadhay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halka waxaa uga billaabatay booqasho uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Yurub.
Abiy oo ay waheliyaan wasiirka arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa inta uu ku suganyahay Paris waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay ka wada hadli doonaan arrimo quseeya xidhiidhka Itoobiya iyo Faransiiska, iyo siddii xukuumadda Paris ay u xoojin lahayd maalgashiga Itoobiya,sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee dalka Itoobiya.