Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici Oo Dhagax-dhigay Bilowga Mashruuc Malaayiin Dollar Ku Kacaya Oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu Fulinayso
October 31, 2018 - Written by Berbera Today
Xidhinta(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta Dhagax-dhigay Mashruuc muddo dheer soconaya oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ka fulinayso deegaanno ka mid ah Gobolka Gabiley.
Mashruucan oo ku kacaya Lacag gaadhaysa 10 Milyan oo uu Baanka Horumarinta Jarmalku ugu deeqay Somaliland, ayaa waxa munaasibadda lagu dhagax-dhigay waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Madaxa Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruucaasi Ibraahim Carab Ceelaabe, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Isku-duwaha Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.