Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Wajahaaya Maxkamada Caalamiga Ah .
November 1, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Dad ku takhasusay Sharciga, kuwa u dhaq dhaqaaqo Xuquul Isaanka iyo Saxafiyiin kasoo kala jeedo dowlado badan oo Yurub ka tirsan ayaa ku dhawaaqay olole cusub oo lagu doonayo in lagu maxkamadeeyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman kadib markii lagu soo eedeeyey inuu dambiyo ka galay dad rayid ah weerarkii ay Sacuudiga iyo xulafadeeda ku qaadeen Dalka Yaman.
Sida ay faafisay Al-Khaliij Online waxaa la isku raacay in ololahaas lagu dhawaaqo kadib kulan weyn oo ka dhacay Magaalada The Hague ee dalka Holland.