Maxkamada Ugu Sareysa Dalka Itoobiya Oo Loo Magacaabey Haweenay
November 1, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Markii ugu horaysay taariikhda ayaa Maxkamadda ugu sarraysa Dalka Ethiopia loo dhiibay haweenay.
Raysal waraaha Ethiopia ayaa haweenay lagu magacaabo Meaza Ashenafi, u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare.
Dhawaan ayaa Ethiopia markii ugu horaysay haweenay u dooratay madaxweyne inkasta oo aan jagada madaxweynuhu Awood badan ka lahayn dalkaasi.
