Sonsaf Oo Baaq La Xidhiidha Xaqa Haweenka Udiray Madaxweyne Biixi Iyo Jawaabtiisa Su’aal Laga Weydiiyey
November 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, ayaa Maanta soo saartay Baaq Garnaqsi iyo Xasuusin Axdiyo laysku ogaa ah oo la xidhiidha Doorka Haweenka iyo ka qaybgalka Talada dalka ee uu hore u ballan-qaaday Madaxweynaha dalka Muuse Biixi Cabdi intii aan la dooran ka hor iyo siday Dumarku aanay uga dhex muuqan Xukuumaddiisa iyo Hay’adaha Dawliga ah ee uu Masuuliyiinta Ragga u badan u magacaabo.
Kulanka ay Ururrada Bulshadu isugu yimaaddeen Arbacadii Maanta oo Xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa lagu qabtay, ayaa markii la dersay Cabashada Haweenka, Ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi sameeyeen wakhtigii ololaha iyo weliba Qoraallo ay Madaxda Xisbiyada oo Madaxweyne Biixi ka mid yahay wakhtigii doorashada ka hor saxeexeen iyo weliba Baaqyo iyo Cabashooyin ay Haweenka iyo Ururrada Bulshadu horraantii sannadkan u gudbiyeen, waxay Dalladdu ku baaqday inuu Madaxweyne Biixi dib isugu noqdo, isla markaana tixgeliyo xaqa iyo xuquuqda Siyaasadeed, Shaqo iyo Maamul ee ay Haweenka Reer Somaliland leeyihiin inuu muujiyo.