Hanti Dhawrka Somaliland Oo Baadhis Culus Ku Haya Wasaaradda Maaliyadda , Buugtii Xisaabta Iyo Macluumaad Kale Oo Ay Kala Wareegeen
November 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland ayaa Baadhis Culus ku haya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, waxa ay kala wareegeen Dhamaan Macluumaadkii Xisaabta gaar ahaan buugtii iyo wixii kale ee la xidhiidhay waxaana culays badan la saaray Xafiiska guud ee Wasaaradda u qaabilsan lacagta ee loo yaqaan Xafiiska Maamulka iyo Lacagta.
Sida ay shalay baahiyeen Shabakadaha Wararku gaar ahaana aanu ka soo xiganayno warkan shabakadda caalamiga ah ee 24Somaliland.net, waxa ay hanti dhawrku si kedis ah ku galeen maalin saddexaadkii Xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay kala wareegeen oo ay ka qaateen xafiiska Maamulka Iyo Lacagta dhamaan Dhokomintayadii Xisaabta ee ay sannadkan 2018-ka ku shaqaynayeen iyagoo la sheegay inay hakad galiyeen shaqadii ka socota Xafiiska maamulka Iyo Lacagta, waxaanay warar kale xaqiijiyeen in shaqo joojin lagu sameeyay shaqaalihii xafiiskaasi ka hawlgalayay tan iyo inta baadhistaasi laga gun gaadhayo.