Ergayga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Oo Hargeysa Imanaya Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
November 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Haysom ayaa la filaya in uu yimaaddo magaalada Hargeysa si uu kulan ula qaato madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabd.
Danjire Nicholas Haysom oo horaantii bishii September loo magacaabay jagada waxa uu xilka la wareegay kowdii bishii October waana markii u horaysay ee uu Somaliland yimaaddo. Waxa jagada uga horeeyay Michael Keating oo muddooyinkii dambe aanay isku fiicnayn Somaliland kadib markii la isku fahmi waayay arrinta Tukaraq oo xasaasi ahayd iyo arrimo kale oo ku saabsan siyaasadda u dhexeysa Somalia iyo Somaliland.