berberatoday.com
Musharrax Balli-cabbane Geeyay Dhakhaatiir Si Tabaruc Ah Dadka U Daweynaya Iyo Qalab Ciyareed Uu Gudoonsiiyay Dhalinyaro
November 3, 2018 - Written by Berbera Today

Balicabane(Berberatoday.com)-Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug oo u sharaxan Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa deeq agab ciyaareed iyo dhakhaatiir caafimaadba gaadhsiiyay degmada Balli-cabane ee gobolka Hawd.

Waxaanu musharaxani uu balanqaaday haddii uu ku guuleysato Doorashada Golaha deegaanka Hargeysa in uu wax badan ka tari doono baahiyaha kala duwan ee ku gadaaman degmada Balicabane.

Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug musharaxa golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Qorshayaasheyda danbe iyo kuweyga horeba waxaa ay yihiin in degmadda Balicabane in aan wax uga qabto, haday dhanka caafimaadka, ciyaaraha iyo adeegyadda waxbarashadda intaba inaan wax ka qabashadooda qayb laxaad leh ka qaato, horumarka wadanku hiigsanayo inaguna ka degmo ahaan inaynu wax badan ka qabano, oo talo iyo tusaale intaba aynu isku biirino  oo bulsho isku tashatay aynu noqono bulshada degmadda Balicabane aad ayaan uga mahad celinayaa soo dhaweynta diiran ee ay noo sameeyeen imikana waxaan agabkan ciyaareed oo dhalinyaradda degmada aan ugu talo galay aan ku wareejin doonaa gudoomiyaha degmadda”

Gudoomiyaha degmadda Balicabane Axmed Cabdi Ibraahim  oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in codkooda cid aan isaga aheyn aanay siineyn waxaanu yidhi “Halkan waxaanu ku gudooniyay agab dhameystiran oo kuwa ciyaaraha ah, oo uu keenay musharaxa golaha deegaanka ee Hargeysa, Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug, kaliya agab kano qudha maahe dhismaha guriga degmadda looga taliyo qayb libaaxleh ayuu ka qaatay waana xildhibaankii koobaad ee isaga oo aan la dooran dadkiisa iyo dalkiisa wax gashadaa, deegaankuna ma hayo isaga ka hor nin isaga oo aan wali xildhibaan noqon deegaanku ka soo jeedo wax gaadhsiiyaa, meelkasta oo la joogo waxaanu kugu bushaareynaynaa in adiga aanu codka ku siineyno, hadii aanu nahay maamulka degmadda, odayaasha iyo sulaadiinta intaba”

Gaabuush Muxumed Axmed kana mida odayaasha degmadda Balicabane oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xil iska saarayaan sidii ay u ilaashan lahaayeen agabkaasi lagu wareejiyay waxaanu yidhi “Agabkaasi naloo keenay maanta waanu soo dhaweynaynaa, waanu ka gudooney, waanu hagaajisaneynaa, waanu ku hanbalyaynaa deeqda uu noo keenay musharaxa golaha deegaanka ee degmadda Hargeysa Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug, waanu garab taaganahay oo waanu u duceynaynaa, waanu ku mahadsan yahay”

45199739_902212156832920_6141173324786434048_n

Maxamed Gacayte oo ka mida saraakiisha sar sare ee xisbiga Kulmiye oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Munaasibaddan ka waxaa aynu u joognaa wareejinta agab ciyaareed oo dhameystiran ,waxtarka kale ee uu deegaankan ka geystay wiilkan u taagan golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysi , waxaa ka mida in uu keenay halkan dhakhaatiir  bilaash ku daaweyn doonta dadka oo adeegyo caafimaad oo mutadawacnimo ah ka fulin doonaa degmadan iyo deegaanadda hoos yimaada tanina waa guul kale oo u soo hoyatay deegaanka”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews