Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Xabsiga Ka Soo Daayey Xubno Ka Tirsan Qoys-Ka Boqortooyada Iyo Ujeedka Uu Ka Leeyahay
November 4, 2018 - Written by Berbera Today
Jiddah(Berberatoday.com)-Khaalid Bin Talaal oo kamid ah qoyska boqortooyada Sucuudiga oo horraan loo xidhay inuu kasoo horjeeday howlgalka ka dhan musuq maasuqa ayaa lagu soo warramaya in xabsiga laga soo daayay.
Qoyska Khaalid bin Talaal waxay baraha bulshada soo geliyeen sawirro muujinaya dhaxal sugaha oo salaamaya eheladiisa.
Dhaxal sugahan ayaa ah wiilka uu dhalay boqorka Salmaa walalkiis.
Al Waliid oo la dhashay Khaalid wuxuu kamid ahaa tiro dad ah oo kamid ah qoyska reer boqor iyo mas’uuliyiin sar sare oo lagu eedeyay musuq maasuq kuwaaso xabsiga la dhigay sannadkii tagey.