Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Soomaaliya
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Arare.
Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka ku cad waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.