Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Noqdey Musharaxii Ugu Horeeyey Ee Doorashada Konfur Galbeed Isku Diwaan Galiya Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Baydhabo(Berberatoday.com)-Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta iska diiwaan geliyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, isagoo noqday Musharaxii u horeeyay ee la siiyo Shahaadada Musharaxnimo.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah.
Mukhtaar Roobow oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadada Musharaxnimo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay is diiwaan geliyo, lana siiyo Shahaadada Musharaxnimo, isagoo u mahad celiyay Guddiga Doorashada.