Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday ‘Madax Ka Jarista’ Hadhuudhkii Laga Beeray Banka Wajaale, Wasiir Seed Iyo Agaasime Maax Oo Kormeeray
November 5, 2018 - Written by Berbera Today
Wajaale(Berberatoday.com)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bilowday Madax ka jarista Hadhuudhkii Wasaaraddu ka beertay Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley.
Wasaaradda Beeraha oo adeegsanaysa Shaqaale si Maalin leh uga shaqaynaya, ayaa Madax ka jarista Hadhuudhka bilowday, ka dib markii uu Bislaaday isla-markaana uu gaadhay Wakhtigii la jarayey, si looga faa’idaysto.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Cali Maax, ayaa gelinkii dambe ee Maanta booqday Banka Wajaale, waxayna kormeereen siday u socoto hawsha Madax ka jarista Hadhuudhku.