Ciidamada Amison Oo Muqdisho Ku Khaarajiyay Afar Ruux Oo Rayid Ah
November 6, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayida ayaa dhintay ka dib markii ciidamada AMISOM la sheegay in ay toogteen dadkaasi ka dib markii kolonyo ay la socdeen qarax waddada dhinaceeda la dhigay lagulla eegtay Ex control Balacad ee magaalada Muqdisho.
Ehelada dadka la laayay ayaa BBC-da u sheegay inay aaminsan yihiin in si ula kac ah loo dilay 4-ta qof ee dhimatay kadib markii ciidammadu inta ay ka dageen gawaadhida mid mid u toogteen raggan oo joogay meel aan sidaa uga fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.