Ilhan Cumar Oo Ku Guuleysatay Doorashadii Maraykanka Noqotayna Haweenaydii Uhoreysay Ee Muslim Ah Ee Kamid Noqota Aqalka Hoose Ee Congress-ka
November 7, 2018 - Written by Berbera Today
Minosota(Berberatoday.com)-Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen Gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Gobolka Minnesota.
Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.