Daawo Muuqalka”Gobalo Ka Tirsan Dalka Mareykanka Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah Iyo Sababta
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay qeybta waqooyi ee gobolka California kaddib markii uu dab xoog badani baabi’yay deegano ku yaallo dhinaca waqooyi.
Saraakiisha dab-damiska gobolka ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay magaalada yar ee Paradise.
Tiro dad ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen dabka hase yeeshee ma cadda wali inta uu la egyahay khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay rayidka.
Dabka ayaa gubay dhul gaaraya 69 oo iskuweer mile ah waxaana uu ku qasbay dadka magaalada Paradise in ay ka baxaan.