Saddex Qarax Oo Waa Weyn Oo Gilgilay Magaalada Moqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
November 9, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Qaraxyo waaweyn iyo rasaas is xig xigta ayaa laga maqlay magaaalada Muqdisho iyadoo qaraxa ugu weyn uu ka dhacay dhismaha hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaad hubeysan aya la sheegay in ay isku dayeen in ay gudaha u gallaan hoteelka, hasse ahaatee waxaa toogtay ayaa la yidhi oo ka hortagay ciidamada dowladda.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa jira waxaana la sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay 15 qof dhaawacuna ka sii badan yahay .