Waa Imisa Xadiga Lacagta Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Baasaaboorkii Ay Lacag La,Aanta Ku Heli Jireen Shaqaalaha Dawlada Somaliland
November 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa lacag ku soo rogtay shaqaalaha dawlada ee doonaya inay samaystaan baasaaboorka somaliland.
Sida ay sheegeen warar na soo gaadhaya , Wasiirkii maaliyada ee madaxweyne Muuse Biixi maanta xilka ka qaaday Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa amray in shaqaalaha dawladu ay iska bixiyaan lacagta lagu sameeyo baasaaboorka somaliland oo gaadhaysa $150.
Amarka uu soo saaray wasiirkii xilka laga qaaday ee wasaarada maaliyada somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa meesha ka saarayey qorshe ay dawladu mudo dheer lacag la,aan ugu samaynaysay shaqaalaha dawlada baasaaboorka, iyada oo mudo yarna loogu dhamaystiri jiray marka ay u baahdaan.