Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweynaha Turkigu U Soo Magacaabey Dalka Somaliya
November 10, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Turkey Rajjeb Dayib Erdogan ayaa magacaabay safiiro iyo lataliyaal sare oo xafiiskiisa ah, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Turkey.
Mehmet Yılmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkey u fadhin doono dalka Soomaaliya, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Olgan Bekar oo muddo ka shaqeynayay Soomaaliya.
Mr Baker, ayaa lagu xasuusan doonaa sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyay madaxda Soomaalida, waxaana uu ahaa ruux dabeecad ahaan aad u wanaagsan sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay.